Suudaan: Dhimashada Oo 60 Gaadhay Iyo Qaramada Midoobay Oo Go’aan Gaadhi Kari La’

Suudaan (HCTV) – Magaalada Khartoum ee Caasimadda Dalka Suudaan waxa ka sii socda Mudaharaaddo Rabshado wata.

Ururka Dhakhaatiirta Suudaan ayaa sheegay in tan iyo intii ay burbureen Wada-hadalladii u dhexeeyay Milletariga xukunka sida ku meel-gaadhka ah u haya iyo Mucaaradka dalkaasi Ciidammadu toogasho ku dileen Dad tiradoodu dhan tahay 60 Ruux, inkasta oo Milletarigu Arbacada Maanta sheegeen inay wada xaajood la furayaan Isbahaysiga Mucaaradka.

Dibed-baxyadan ayaa dib u bilaabmay markii Ciidammada Suudaan isku dayeen inay xoog ku kala dareeriyaan dibed-baxayaasha oo Baroosinka aastay Albaabbada Xarumaha Dawladda, gaar ahaan Taliska Ciidamada Milletariga, taasina waxay keentay inay Ciidammadu rasaas nool adeegsadaan, laakiin Dawladaha Midowga Yurub ayaa Cambaareeyay hawl-gallada Milletarigu ay Dibed-baxayaasha ku kala kaxaynayaan.

Dhanka kale, Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo kulan deg-deg ah ka yeeshay Xaaladda Suudaan isla-markaana doonayey inay Qaraar ka soo saaraan ayaan ku guulaysan waayay, ka dib markii Ruushka iyo Shiinuhu diideen in Qaramada Midoobay Faro-geliso Arrimaha Suudaan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka