Hargeysa: Nin Markii Shanaad Lagu Qabtay 432 Litir Oo Khamri Ah

Hargeysa (HCTV) – Ciidammada Booliska Somaliland ayaa Gacanta ku dhigay 432 Litir oo Khamri ah iyo Ninkii watayba.

Taliye ku-xigeenka Booliska,  Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle oo Saxaafadda la hadlay ayaa faahfaahiyey siday Ciidammadu u qabteen Maandooriyaha Khamriga iyo Ninkii gaadhiga ku siday, kaasi oo uu ku sheegay inuu shaqada noocaan ah caadaystay.

Taliye Fooxle oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Lixdii fiidnimo ee Caawa (Xalay) waxay Ciidammada Boolisku ku guulaysteen inay qabtaan Gaadhiga lambarkiisu yahay 44893  oo uu waday Nin la yidhaahdo Axmed Maxamed Axmed, waxaana lagu qabtay Khamri dhan 432 Litir.”

Taliyuhu wuxuu sheegay in Ciidanku ay Taayirrada ka toogteen, ka dibna qabteen “Ninkaa in badan ayay is eryanayeen, illaa ay Gaadhiga laba taayir ka toogteen oo ay hubsadeena aanay qabanin, markaas ayay Khamriga Gacanta ku dhigeen.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Ninka la qabtay ay tahay markii Shanaad ee Khamri lagu qabtay “Ninkaasi waa Nin Caadaysta ah, Afar jeer oo hore ayaa sharciga la hor-geeyay oo la xidhay, waa markii Shanaad imika ee Khamriga lagu qabanayaa, imikana baadhis ayaanu galaynaa, baabuurtii hore ee Khamriga lagu qabtayna waxay yaallaan saldhigga Ibraahim Kood-buur, gaadhigana waa kii saddexaad, mar kasta oo aanu geynayo sharciga waxaanu aragnaa uun isagoo gaadhi kale oo Khamriya wata,  sidaa darteed taana baadhis baa laga galayaa..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka