Suudaan: Dhimashada Oo Gaadhay 108 Ruux Iyo Qaramada Midoobay Oo Shaqaalaheeda Kala Baxaysa

Suudaan (HCTV) – Qaramada Midoobay ayaa qorshaynaysa inay Shaqaalaheeda kala baxdo Dalka Suudaan.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii Shalay sheegay inay qorshaynayaan sidii Shaqaalaha Muhiimka ah ee Qaramada Midoobay ee ku sugan Suudaan loo geyn lahaa meel kale, sababtana waxay ku sheegeen in Xaaladda Amni ee Dalka Suudaan sii xumaanayso.

“Waxaanu ka shaqaynaynaa inaanu si ku meel-gaadh ah qaar ka mid ah Shaqaalaha uga soo kaxayno Suudaan..” ayuu yidhi, Farhan Haq oo ah Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay, waxaanu intaa ku daray “Waxa halkaa sii joogi doona Qaar ka mid ah Shaqaalaha, laakiin qaar Shaqaalaha ka mid ah ayaa Amni ahaan looga saarayaa Suudaan..”

Go’aanka Qaramada Midoobay ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan Tirada Dadka ku dhimanaya Gacanta Ciidammada Suudaan ee doonaya inay dibed-baxayaasha ka sifeeyaan Caasimadda Khartoum.

Guddiga dhakhaatiirta Suudaan ayaa laga soo xigtay Khamiista Maanta in dhimashada Dadku gaadhay 108 Ruux, isla-markaana Ciidammadu dhaawaceen in ka badan 500, ka dib markii Ciidammadu ay Isniintii rasaas ku fureen dibed-baxayaal ku sugnaa Badhtamaha Caasimadda Khartoum, laakiin Taliska Milletariga Suudaan ee sida ku meel-gaadhka ah Xukunka dalkaa Gacanta ugu weli kama hadal eedaymaha loo jeedinayo.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka