25 Qof Oo Ku Dhaawacmay Qarax Ka Dhacay Sweden

Sweden (HCTV) – Qarax weyn ayaa ka dhacay Magaalada Koonfurta Sweden ku taalla ee Linkoping Jimcihii Maanta, waxaana ku dhaawacmay 25 Qof, waxaanu khasaare gaadhsiiyey Dhismihii uu ka dhacay.

Ma Cadda waxa sababay Qaraxa, laakiin Booliska ayaa sheegay inay ka shaki qabaan in Qaraxu ka dhashay Bam meesha la dhigay, waxayna sheegeen inay fureen baadhitaanka dambigaasi.

“Ma Jiro waxa Caddaynaya in Dhacdadani ahayd mid Argagixiso ku sal leh, taasi nooma muuqato..” ayuu yidhi, Afhayeenka Boolisku Asa Willsund, waxaanu intaa ju daray “Waxaanu u malaynaynaa in Qaraxu ka dhacay dibedda Dhismaha, waxaanuna ku qiyaasnay in 25 Qof qabaan dhaawacyo fudud..”

Idaacadda Sweden ayaa baahisay in Qaraxu khasaare burbur ah gaadhsiiyey dhismaha la aaminsan yahay inuu gudihiisa ka dhacay, kaasi oo ka kooban 5 Dabaq.

“Dad badan ayaa in Qaraxan ku sheegay inuu ahaa mid culus oo Daaqado badan oo kuwa dhismaha ah dibadda u soo tuuray..” ayuu yidhi, Afhayeenka Booliska u hadlay

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka