Faahfaahin: Abiy Axmed Oo Dhexdhexaadin Ka Dhex Bilaabay Dhinacyada Sudan

Khartoum, (HCTV) – Raysal-wasaaraha Dawladda Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Maanta gaadhay Caasimadda Dalka Suudaan ee Khartoum.

Raysal-wasaare Abiy Ahmed ayaa halkaa u tagay inuu hoggaamiyo dedaallo lagu dhexdhexaadinayo Milletariga talada Suudaan sida ku meel-gaadhka ah Gacanta ugu haya iyo Mucaaradka, ka dib maamulo la dilay tobanaan Qof oo ka mid ahaa dibed-baxayaasha doonaya in Millaterigu uu talada ku wareejiyo Rayidka.

Ka dib, markii uu Raysal-wasaaruhu gaadhay Khartoum Jimcaha Maanta, wuxuu la kulmay Xubno ka mid ah Millateriga sida ku meel-gaadhka ah u haya Talada Suudaan (TMC), kuwaasi oo Suudaan xukumayey illaa bishii April lee sannadkan oo xukunka laga tuuray Madaxweynihii muddada dheer Suudaan Maamulay Cumar Xasan Al-bashiir.

Abyi ayaa waxa uu isla Maantana la kulmayaa oo Wada-hadallo la yeelanayaa Midowga Xisbiyada Mucaaradka ee Xorriyadda iyo Isbeddelka.

Afhayeenka Taliska Millateriga Suudaan Maamula Lieutenant-General Shams-Eddin Kabashi ayaa Raysal-wasaaraha Itoobiya ku qaabilay Garoonka Caalamiga ah ee Diyaaradaha ee Khartoum, kaasi oo halkaa ku joogaya booqasho Hal Maalin ah, ka dibna wuxuu la kulmay Hoggaamiyaha Millateriga sida ku meel-gaadhka ah u xukumaya Suudaan Lieutenant-General Abdel Fattah al-Burhan.

Raysal-wasaaraha Itoobiya ayaa la sheegay inuu doonaya in Wada-hadal lagu soo afjaro Dibed-baxyada dhiigga badan ku daatay ee Shacabku ku doonayo in Millaterigu uu Awoodda ku wareejiyo Rayidka.

Toddobaadkii u dambeeyay waxa Ciidammada Suudaan Toogasho ku dileen Dad gaadhaya 108 Ruux oo ka mid ah Dibed-baxayaal Ciidammadu doonayeen inay xoog kaga dareeriyaan Albaabka Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo ay baroosinka dhigteen, waxayna dhaawaceen Dad ka badan 500.

Ururka Midowga Afrika oo Shalay Magaalada Addis Ababa ku yeeshay Fadhi ayaa Suudaan si ku meel-gaadh ah uga joojiyey Xubinnimadii Ururkaasi iyo dhammaan doorkii ay Ururkaa ku lahayd, waxaana Ururka AU uu doonayaa in Millateriga Suudaan uu si deg-deg ah u qabto doorasho isla-markaana Rayidka ku wareejiyo Xukunka, laakiin Millateriga Suudaan ayaa hore u sheegay inay mudddo laba sannadood ah xukunka haynayaan, ka dibna doorasho qabanayaan, taasi oo Rayidka iyo Xisbiyada Mucaaradku ka biyo diideen.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka