Ciyaaryahanka Ozil Oo Guursaday Iyo Erdogan Oo U Mixiisay

Istanbul (HCTV) – Ciyaaryahanka Caanka ah ee Mesut Ozil ayaa Arooskiisu ka dhacay Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga, waxaana Mixiiskiisa koowaad ahaa Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Ciyaaryahankan Caalamiga ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Jarmalka, balse Qoyskiisa badhkii ku sal leeyihiin Turkiga ayaa sannadkii hore doodi ka dhalatay Sawir uu la galay Madaxweynaha Turkiga, taasi oo su’aal gelisay dhexdhexaadnimada Ciyaaryahankaasi sannadkii 2018.

Hoggaamiyaha Turkiga ayaa Galabnimadii Jimcaha soo gaadhay Xafladda Guurka oo ka dhacaysay Huteel lagu raxaysto, si uu u arko Ciyaaryahanka khadka dhexe uga ciyaara Arsenal oo aroosanaya Jacaylkiisii, Amine Gulse.

Mr. Ozil ayaa bishii March ee sannadkan sheegay inuu Erdogan waydiistay inuu Mixiis u noqdo, laakiin arrrintaasi wakhtigaa waxay abuurtay Cadho, waxaana Dadkii cambaareeyay ka mid ahaa Madaxa Shaqaalaha Xafiiska Raysal-wasaaraha Jarmalka Angela Merkel, taasi waxba kama beddelin Go’aankii Ozil iyo ka Erdogan.

Amine Gulse oo ah Aroosadda uu la aqal-galay Ozil ayaa haysata dhalashada Sweden iyo Turkiga, waana Aktarad sidoo kalena Xayeysiisa dharka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka