Haweenay Ugaadhsatay Duur-joog Naadir Ah Oo Dil Loogu Hanjabay

South Afrika, (HCTV) – Haweenay Maraykan ah ayaa la kulantay hanjabaado dil ah kadib markii ay ugaadhsatay duurjoog ku sugnayd dalka Koonfur Afrika, waxaana ay sheegtay in aanay marnaba qoomamaynayn kadib markii sanad ka dib ay baahisay sawida iyadoo ku faraxsan laynta ugaadhaasi.

Haweenaydan oo magaceedala yidhaa Tess Thompson Talley, oo da’deedu ay tahay 38 jir ayaa difaacday jacaylkeeda ugaadhsiga Waraysi ay siisay Telefishanka Caanka ah ee CBS oo maalintii jimcihii baahiyey.

Waxaanay gabadhaasi tidhi “Xayawaanka waxa la halkaasi loo dhigay waa inaga, in aynu soo qabsano oo aynu cunto!”

Haweenaydan ayaa muuqaalada ay baahisay waxa ka dhashay cadho xoog leh, waxaana loogu hanjabay in la dili doono.

Hase yeeshee mar la waydiiyey haweenaydan in xoolaha ay ugaadhsatay ee ay dishay ee la yidhaa black giraffe xili ay socdaal ku tagtay dalka koonfur Afrika ayaa iyada oo qoslaysa waxa ay ku jawaabtay “Wuu Macaanaa!!’.

Haweenaydan ayaa muuqaalada ay baahisay waxa ka mid ah iyadoo haraga xayawaankan ay dishay goglatay isla markaana gacanta ku haysata qorigii ay ku ugaadhsatay ayaa waxa ay sheegtay in sidoo kale ay haysato waxyaabo badan oo ay u isticmaashay sharaxaado oo ay gurisha ku sharaxatay, waxaanay tilmaan tahay in qof kastaa uu jecel yahay iyaga.

Intii Waraysigu socday ayaa sidoo kale haweenaydani ay tilmaantay in in socdaalkii ugaadhsiga ee ay ku ugaadhsatay boqortooyada xayawaanka, aanu ahayn mid iyaga khatar ku ah balse uu iyaga u yahay mid caawinaya.

Waxaanay Haweenaydani intaasi ka dib ay ku dhawaaqday inay ku faraxsan tahay ugaadhsiga iyo laynta Duurjoogtaasi ay sawiradooda soo dhigay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.