Hogaamiyeyaasha Mucaaridka Sudan Oo Xabsiga Loo Taxaabay Kadib Dhexdhexaadintii Ethiopia

Khartuum, (HCTV) – Ciidamada Amaanka ee dalka Sudan ayaa xidhay laba hogaamiye oo ka tirsan Mucaaridka dalkaasi, waxyar ka dib markii ay kulan la yeesheen Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed, oo u muuqday hogaamiyaha gobolka, kaas oo socdaal tagay Jimcihii magaalada Khartuum.

Raysal Wasaaraha Ethiopia ayaa xubnihii ka socday socday labada dhinac ee Jeneraalada xukuma Sudan iyo Hogaamiyeyaasha dibadbaxayaashu u sheegay inay wadahadlaan, dhawr maalmood kadib markii ay milatarigu bilaabeen inay si xun ula dhaqmaan dibadbaxayaasha oo ay dileen tiro ka badan boqol qof todobaadkan.

Xubnaha la xidhay ayaa waxa ka mid ah masuulkii dhaqdhaqaaqyada dibadbaxayaash Maxamed Esmat iyo hogaamiyaha Dhaqdhaqaaqa Waqooyi ee Xoraynta Shacabka Sudan (SPLM-N), Ismail Jalab.

Maxamed Esmat ayaa la xidhay jimcihii kadib markii uu kulanka la yeeshay Abiy Axmed, halka Ismaaciil Jalab laga soo xidhay sabtidii maanta gurigiisa, sida ay ku waramayso Wakaalada Wararka ee AFP oo Telefishanka HCTV uu soo xigtay.

“Ciidamo hubaysan oo wata gawaadhi ayaa ugu yimid saddexdii subaxnimo gurigiisa waxaanay kaxeeyeen Ismail Jalab…. Iyagoo aan u sheegin wax sabab ah,” sidaasi waxa yidhi Gacan yaraha Jalab oo magaciisa la yidhaa Rashiid Anwar ayaa sidaasi u sheegay AFP, waxaanu intaasi ku daray in Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa SPLM-N ninka la yidhaa Mubarak Ardol sidoo kale la xidhay.

Labadan Masuul ee Maxamed Esmat iyo Ismaaciil Jalab ayaa labadooduba xubno ka ahaa isbahaysiga isbadalka iyo xornimadoonka ah oo abaabulay dibadbaxii balaadhnaa ee dalkaasi bariga afrika ku yaala gilgilay tan iyo bishii December ee sanadkii la soo dhaafay.

Waxaanu xadhigan labada masuul uu imanaya maalmo yar ka dib markii la xidhay hogaamiye ku xigeenkii Xarakada SPLM-N, Yaasir Arman kaas oo Gurigiisa oo ku yaala Caasimada Khartuum laga soo xidhay.

Ururkan Dhaqdhaqaaqa Waqooyi ee Xoraynta dadka Sudan SPLM-N ayaa hogaaminayey kacdoonkii ay ka midka ahaayeen qoomiyadaha aan Carabta ahayn ee daga Niilka Buluuga ah iyo Koonfurta gobolka Kordofan tan iyo 2011-kii, Kuwaas oo xukunka Milatariga Sudan ay balanqaadeen inay si nabad ah ay ku soo afjarayaan, kadib markii ay talada dalkaasi ka tuureen Cumar Xasan Al-Bashiir bishii April.

 

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA