Maraakiib Dagaal Oo Ruushka Iyo Maraykanku Leeyihiin Oo Faro Cididood Ku Kala Badbaaday

Pacific Ocean, (HCTV) – Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Maraykanka iyo Markabka wax duqeeya ee dalka Ruushka ayaa inyar isku jirsaday, waxaanay ku sigteen inay isku dhacaan xili ay marayeen badda Pacific Ocean-ka – waxaanay labadooduba midba midka kale ku eedeeyey masiibadaa dhici gaadhay.

Ciidamada Badda ee Maraykanka ayaa iyagu sheegay in Markabka Ruushka ee (Russian destroyer) uu usoo jirsaday wax ka yar 50 ilaa 100 feet Markabka Maraykanka ee USS Chancellorsville, 11:45am daqiiqo xili ay marayeen biyaha caalamiga ah ee Badda Philippine.

“Talaabadan khatarta ah ayaa ku khasabtay Markabka Maraykanka ee Chancellorsville inuu u dhamaystiro dhamaan mishiinadiisa si uu uga fogaado isku dhac,” sidaasi waxa yidhi Afhayeen u hadlay ciidamada Badda Maraykanka oo la yidhaa Clayton Doss.

Hase yeeshee dalka Ruushka ayaa sheegay war kaa ka duwan. Waxaanu tilmaamay Afhayeen u hadlay Ciidamada Ruushka ee ku sugan Pacific Ocean-ka xili uu la hadlayey warbaahinta TASS in Markabka Maraykanku uu badalay jihadii uu u socday, taasina ay keentay inuu uga soo dhawaado Markabka Ruushka wax ka yar 160 feet, waxaanu intaasi ku daray Admiral Vinogradov, in shaqaalihii Markabka Ruushka ay ku khasabtay in si dhakhso ah ay uga fogaadaan ama ay uga baxaan marinkii ay ku socdeen.

Labadan dal ee Ruushka iyo Maraykanka ayaa xitaa ku kala duwan halka ay masiibadani ka dhici gaadhay, waxaanu mid tilmaamay in ay ka dhacday Badda Bariga Shiinaha, halka ka kalena uu tilmaamay in isku dhacu ka dhici gaadhay Badda Philippine.

Waxaanay sidoo kale labada dal aanay isku waafaqsanayn cida masuuliyada leh, balse nasiib wanaag ciidamada Maraykanka ayaa duubay muuqaalka shilkan dhici gaadhay, kaas oo ay baahiyeen Jimcihii. Inkastoo aanu lahayn muuqaalku cod, waxa la arki karaa sida aan caadiga ahayn ee labada markab ee dagaalku ay isugu soo dhawaadeen ama inta ay isku jirsadeen.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.