QM Oo Qaylo-dhaan Ka Soo Saartay Nolosha Malaayiin Qof Oo Ku Nool Soomaaliya

Somalia (HCTV) – Qaramada Midoobay ayaa Qaylo-dhaan ka soo saartay Xaaladda nololeed ee Malaayiin Qof oo ku nool Dalka Soomaaliya.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in Dad ka badan 2 Million Qof ay Macaluul u dhiman doonaan, haddii aan Kaalmo Caalami ahi lala gaadhin ka hor bisha September ee sannadkan, Qaranka dagaalladu naafeeyeen ee ku yaalla Geeska Qaaradda Afrika, sida ay Toddobaadkan sheegtay Qaramada Midoobay.

Mark Lowcock oo ah u qaybsanaha hawlaha Bani-aadamnimo ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in loo baahan yahay 700 Million oo dollar si loogaga hor-tago Masiibo Bani-aadamnimo, ka dib roob yaraantii ugu weynayd oo dalkaa ka dhacday muddo 35 sanadood ah iyo duufaannadii kala dambeeyay oo ka tagay cunto yaraan.

War-bixin ay baahiyeen Wakaaladaha wararka ee Adduunka Qaarkood oo HCTV soo xigtay ayaa sheegay in dhibaatada ka jirta Soomaaliya ay qayb ka tahay Colaadaha Tobannaanka sanadood socday iyo isbeddelka Cimilada oo fure u ah Roob yaraant iyo in midhihii loo baahnaa Beeraha ka soo go’i waayaan “Xaqiiqdii, su’aali kama taagna in Abaartu ay xidhiidh la leedahay Heerka Kulka Dunida ee Kor u sii kacaya iyo Isbeddelka Cimilada..” ayuu yidhi Mark Lowcock.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka