Ciyaartoy M. City Ka Mid Ah Oo Dhunkaday Gabadh Weriye Ah Oo Tv Toos Uga Hadlaysey

Ukrain (HCTV) – Ciyaaryahanka Oleksandr Zinchenko oo safta Kooxda Manchester City ayaa dhunkaday ama Shumiyey Gabadh Weriye ah oo si toos ah u tabinaysay Ciyaar dhex martay Xulalka Ukrain iyo Serbia, ciyaartaasi oo ku tirsan Is-reeb-reebka tartamada Yurub ee 2020-ka isla-markaana dhacday Jimcihii la soo dhaafay.

Ciyaaryahanka Oleksandr Zinchenko oo Qarankiisa Ukrain ku hoggaamiyey inay 5 Gool iyo Eber kaga badiso Xulka Serbia, ayaa isagoo Faraxsan waxa Makarafoonka hor qabatay Gabadh Weriye ah oo si toos ah Ciyaarta u tebinaysay iyadoo doonaysay in Oleksandr uu tartanka wax ka yidhaahdo, laakiin si kedis ah ayuu dhabanka Midig uga dhunkaday.

22 Jirkan oo 29 jeer Ciyaaray dhammaan Tartammada Premier League ee Xilli Ciyaareedkii u dambeeyay, ayaa dhabanka ka Dhunkaday Gabadha Weriyaha ah oo Magaceedu yahay Vlada Sedan, ka hor intii aanu Kamaradda ka hor dhoolla-caddaynin.

Ficilka Zinchenko oo meel dheer ku dhacay ayaa ku soo beegmaya xilli Ninka Bulgaria u dhashay ee Kubrat Pulev oo Ciyaara Feedhka Miisaanka Culus uu Ciyaartiisii u dambaysay dhunkaday Gabadh Weriye ah oo Waraysaneysay.

Si kastaba ha ahaatee, ficilka Ciyaaryahan Zinchenko oo Dadka qaar ka cadhoodeen, haddana waxa jira Dad difaacay, kuwaasi oo sheegay in isaga iyo Weriye Sedan yihiin Saaxiibbo aad isugu dhow, dhowr jeer oo horena ay Sawirro wada galeen.

City ayaa diyaarisay inay ciyaaryahan Zinchenko iibiso Xagaagii u dambeeyay, waxayna kooxda Wolves kula heshiisay inay ka siiso £16m.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka