Dawladda Oo Sheegtay In Ciidammadii Caarre Raacay Soo Noqdeen

Dawladda Oo Sheegtay In Ciidammadii Caarre Raacay Soo Noqdeen

Qoys Ingiriis Ah Oo Dhammaan Ilaa Caruurtoodii Ay Dagaal Ku Dhinteen
Dooddii Wada-hadallada Soomaaliya:- Siyaasi Aragti Gaar Ah Qabey
Kismaayo: Askari Maraykan Ah Oo Ku Dhaawacmay Qarax Al-Shabaab Ku Qaaday Xarun Milatari
Wasiirro Dhexdhexaadin Ka dhex Wada Beelo Dhawaan Ku Dagaalamay Gobolka Selel
Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Oo Dhagax Dhigay MCH Laga Dhisi Doono Xafadda Hodan Hills.

Hargeysa (HCTV) – Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiim-baro) ayaa sheegay in Ciidammadii Qaranka Somaliland ee hore ula socday Kornayl Caarre ay dib u soo noqdeen.

Badhasaabka oo Maanta Saxaafadda ugu warramay Magaalada Hargeysa oo uu safar shaqo ku joogo ayuu sheegay in Ciidammadii la socday ay dib u soo noqdeen, inkasta oo aanu sheegin Cidda soo celisay ee ka shaqaysay inay ka tanaasulaan Mowqifkoodii hore.

Guddoomiye Tim-baro oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Caarre Ciidankiisii waa la noo soo celiyey, isaguna shakhsi ayuu noqonayaa.”

Maxamed Tiim-baro waxa kale oo uu sheegay in Caarre uu Tiknikadii uu watay uu meel ku xeraystay, isaguna dalka ka dhoofayo “Tiknakadiina meel buu ku xeraystay, isagana waxa laga yaabaa inuu dhawaan innaga dhoofo…”ayuu yidhi.

Kornayl Caarre ayaa sannadkii hore ka goostay Ciidammada Somaliland oo uu ka mid ahaa, waxaana isaga iyo Tiro Askar ah oo la socotay ay fadhiisin ka samaysteen degmada Qardho ee Puntland.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

COMMENTS

%d bloggers like this: