Iran Oo Xidhay 547 Huteel Iyo Dumarka Gaadiidka Xijaabka Ku Dhex Bixiya Oo La Xidho

Tehran (HCTV) – Ciidammada amniga ee Dalka Iran ayaa Albaabada u laabay Huteello kuwa Cuntada laga cuno ah iyo Makhaayado Bunka laga cabbo oo tiradoodu gaadhayso 547, sida uu sheegay Taliyaha Booliska Caasimadda Tehran.

 

Huteellada iyo Goobaha Bunka laga cabbo ee la xidhay ayaa Boolisku ku samaynayaan Kormeer ah in Waxyaabaha ay iibinayaan waafaqsan yihiin Sharciga Islaamka, yihiina wixii saxda ahaa, intii hawl-galkaasi socdayna waxa la xidhay 11 Ganacsade oo Dambiyo lagu helay.

 

“Mulkiileyaasha Huteellada iyo Goobaha Bunka laga Cabbo ee Sharciga Islaamka Waafaqsan lama kor joogtayn, intii hawl-galkani socdayna waxa la xidhay 11 dambiile..” ayaa lagu sheegay Qoraal lagu baahiyey Website-ka Booliska Iran, kuwaasi oo ay ka mid yihiin kuwo Meheradahooda ka shiday Miyuusik aan la ogolayn.

 

Wakaaladda Wararka ee Fars ayaa sheegtaty in hawl-galkaasi qaatay muddo 10 Maalmood ah.

 

“Inaanu ku kormeero Shuruucda Islaamku waa mid ka mid ah Waajibaadadayada iyo Masuuliyadahayaga..” ayuu yidhi, Taliyaha Booliska Caasimadda Iran ee Tehran.

 

Sabtidiina, Madaxa Maxkamadda Qaanuunka ee Tehran oo ah Maxkamad la Macaamiloota dadka ku kaca dambiyada la xidhiidha dhaqanka iyo meel ka dhacyada loo geysto Mooraalka Shacabka ayaa Muwaadiniinta Iran ugu baaqay inay soo sheegaan hab-dhaqannada meel ka dhaca ah Cidda ku kacda, isagoo Qofka doonaya inuu sheego Cid samaynaysa Ficillada la diiddan yahay uu Lambar Telefoon Farriin ka diri karo.

 

Waxyaabaha Qofku uu Dacwad ku mudan karo isla-markaana Ciidammadu Qofka ku xidhi karaan waxa ka mid ah ‘in Qof Dumar ahi inta ay gaadhigeeda ku dhex jirta iska saarto Xijaabka’ iyo Dadka Aaladda Instagram-ka ku baahiya Muuqaallada Dad Ciyaaraya Jaaz.

 

Iran, Khamrigu waa Mabnuuc, Dumarkuna waxay muujin karaan Wejiga, Gacmaha iyo Lugaha, waxayna ku lebisan karaan dhar aan soo jiidasho lahayn.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka