Raysal Wasaaraha Somalia Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Khaarajiga Ingiriiska

Muqdisho, (HCTV) – Raysal Wasaaraha dawladda Federalka ee Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay agaasimaha guud ee siyaasadda wasaaradda arrimaha dibadda Boqortooyada Ingiriiska, Richard Moore.

Sida ay magaalada Muqdisho kaga soo warantay Wariyaha HCTV ee Muqdisho Farxiya Maxamuud

Yuusuf.

Raysal Wasaaraha Somalia iyo Agaasimaha siyaasada ee Wasaarada Arimaha dibada ee Ingiriiska ayaa kulankoodaa kaga hadlay xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dawladood iyo taageerada Ingiriisku ay dawladda Somalia ka siiyaan tababarada ciidamada iyo qorshaha ciidanka Somalia ay kula wareegi lahaayeen amniga dalka.

Kulanka Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Agaasimaha Siyaasada ee Wasaarada Arimaha dibada ee dawlada Ingiriiska ayaa waxa qayb ka ahaa safiirka boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Somalia Mr Ben Fender.

Waxaanay boqortooyada dawlada Ingiriisku ay dawlada Somalia ka taageertaa sidoo kale dhismaha xarumaha dawlada iyo qorshaha fog ee ciidamada amniga Somalia ay masuuliyada guud ee amaanka dalka Somalia ugala wareegi lahaayeen ciidamada AMISOM.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA