Dhaqaalaha UK Oo Hoos U Dhacay, Si La Mid Ah Sida Qorshihii Ka Bixidda EU U Curyaamay

UK (HCTV) – Dhaqaalaha Dalka boqortooyada Ingiriiska ayaa waxa saamayn weyn ku yeeshay Go’aanka ka bixitaanta UK ee Midowga Yurub (Brexit) oo aan weli dhana u dhicin.

illaa bishii Afraad ee sannadkan wuxuu dhaqaalaha UK hoos u dhacay boqolkiiba 0.4, taasi oo ka dhigan inuu Afjeer hoos u dhacaasi ka badan yahay kii bishii Saddexaad dhacay oo ahaa Boqolkiiba 0.1%.

Bilihii u horreeyay sannadkan wax soo saarka gudaha ee UK ee dhinaca Warshadaha Dhismuhu wuu fiicnaa, laakiin wer-werka ka bixitaanka Midowga Yurub ee aan dhana u dhicin ayaa keenay in wax soo-saarka Warshaduhu hoos u dhaco 2.7%.

Dhibaatadani rasmi maaha, laakiin hoos u dhaca yimid Bishii April ee sannadkani kuma koobnayn Wax soo-saarka warshadaha. Sidoo kale waaxda Dhismaha waxa ku yimid hoos u dhac ka badan 0.4%.

Lacagta Ingiriiska ee Pound-ka ayaa sarrifkeedu hoos u dhacay marka la barbar-dhigo Dollarka, 1-ka Pound ee UK wuxuu hoos u dhacay 0.4%, waxaanu gaadhay in 1-ka pound lagu sarrifo $ 1.27 dollars, sida uu tebiyey Wargeyska Independent oo HCTV soo xigtay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka