Somaliland Oo Imtixaanka Shahaadiga Ah Ka Joojisay Dugsiyo Ku Yaalla Badhan

Hargeysa (HCTV) – Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa sheegtay in laba ka mid ah Dugsiyada ku yaalla Degmada Badhan laga joojiyey Imtixaanka Shahaadiga ah oo Somaliland ka bilaabmaya 16-ka bisha June.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Jaamac Cismaan Aadan oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Wasaaraddu ay Dugsiyada Waxbarashada ee degmada Badhan aanay ka wada joojin Imtixaanka shahaadiga ah, balse laba dugsi oo keliya laga joojiyey, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay dhaqaalaha ka qaataan Somaliland iyo Puntland.

Wasiirka Waxbarashada oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Deegaanka Badhan oo dhan maaha waa laba Iskuul, waana inta Puntland ka qaadata Imtixaanka, Wasaaradda Waxbarashada Somaliland way ka tirsan yihiin, Macalimiinta waxa laga gunneeyaa halkan, ha yeeshee way laba Afleeyaan oo halkaana way ka gurtaan, markaa Imtixaankii waanu ka joojinay. waxaan Maqlayey inay hadda Codsi soo qorteen oo ay doonayaan oo ay leeyihiin u noqon mayno ee Imtixaanka ha lana siiyo, laakiin Go’aan la gaadhay hadda ma sheegi karo.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka