Hooyo Imtixaan u Fadhiistay 30 Daqiiqo kadib Markii ay Umushay.

Itoobiya (HCTV) –  Hooyo 21 Jir  ah oo u dhalatay Itoobiya, ayaa  u fadhiisatay Imtixaankeedii  Dugsiga sare markii ay Umul ahayd 30 Daqiiqo oo keliya.

Almaz Derese oo ka soo jeeda deegaanka Metu ee Galbeedka Itoobiya ayaa rajeynaysay inay u fadhiisato Imtixaanka inta aanu dhalan Ilmaheedu, laakiin Imtixaannaadka ayaa dib loogu dhigay Bishii Ramadaan awgeed, sidaasi darteed ayay imtixaanka ka shaqayntiisa bilowday Isniintii Toddobaadkan oo Shalay ahayd

“Sababtoo ah waxaan doonayey inaan hore ugu fadhiisto Imtixaanka, ka shaqayntiisuna gabi ahaanba ma adkayn..” ayay tidhi, Almaz Derese oo la hadashay BBC-da qaybteeda Afka Oromada oo HCTV soo xigtay.

Hooyadan ayaa Cisbitaalka Karl Metu oo ay ku jirto lagaga qaaday Maadooyinka English, Ahmaric iyo Xisaab, waxayna rejo ka qabtaa inay Labada Maalmood ee soo socda ka shaqayn doonto Maandooyinka u hadhay, iyadoo ku sugan Cisbitaalka Karl Metu.

Hooyadan ugubka ahi waxay sheegtay inay Waxbaraneysay illaa intii ay Uurka lahayd, taasina aanay dhibaato ku ahayn, mana doonayn inay sannadka dambe qalin-jebiso.

“Imtixaankii Isniintu si wanaagsan buu noogu dhacay..” ayay hadalkeeda raacisay

Ms Almaz hadda waxay doonaysaa inay qaadato Koorso labada Sanadood ah, si ay isugu diyaariso inay Jaamacadda gasho.

Ugu dambayn, waxay sheegtay in Wiilkeeda yari fiican yahay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka