Maraykanka Oo Joojisay Tababar Uu Siinayey Duuliyeyaal Turki Ah

Washington, (HCTV) – Dawladda Maraykanka ayaa joojisay sii socoshada tababaro ay duuliyeyaal Turki ah ay ku siinaysay diyaarada dagaalka ee F-35, kadib markii dawlada Ankara ay qorshaysay inay sii wado gantaalada difaaca ee ay ka iibsanayso dalka Ruushka.

Saraakiil ka tirsan dawlada Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in dawladda Maraykanku ay joojisay duuliyayaal Turkish ah oo ay ku tababaraysay diyaaradaha dagaalka ee F-35 oo ka socday saldhiga cirka ee dalka Maraykanku uu ku leeyahay Arizona.

Talaabadan uu qaaday saldhiga ciidamada cirka ee Luke Air Force Base ee uu ku joojiyey tababarka duuliyayaasha dalka Turkiga ayaa ku soo beegmaysa maalmo yar uun ka dib markii Madaxa difaaca ee dalka Maraykanka Patrick Shanahan uu u sheegay dalka Turkiga in duuliyeyaashoodu ay dalka sii joogi doonaan ilaa dhamaadka bisha July.

Waxaanay dawlada Maraykanku ay dalka Turkiga u qabatay ilaa bisha July inay kula timaado go’aan ka takhalusaya iibsiga gantaalada S-400 ee dalka Ruushka ay ka iibsanayso, waxaanay Dawlada Maraykanku u sheegtay Turkiga in hanaankaasi difaaca ee dalka Ruushku uu khatar ku yahay diyaaradahooda dagaalka ee F-35, kaas oo Ankara ay doonayso inay iibsato.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.