Ciyaaryahanad Maraykanka U Ciyaarta Kubadda Cagta Oo Diiday Inay Qaado Heesta Qaranka

France, (HCTV) – Xidigad u ciyaarta kubadda cagta dalka Maraykanka oo magaceeda la yidhaahdo Megan Rapinoe ayaa diiday inay qaado heesta calanka dalka ay u ciyaarayso ee Maraykanka oo ciyaar la lahaa dalka Tahiland koobka gabdhaha aduunka oo ka socda dalka Faransiiska.

Ciyaaryahanadan ayaa la arkayey iyadoo taagan oo aamusan oo aan qaaday heeska calanka ee ay inta kale ee teamkeedu ay qaadayaan garoonka kubadda cagta ee Auguste-Delaune Stadium.

Ciyaaryahanadan Megan ayay da’deedu tahay 33 jir, waxaana ay ciyaaryahanadaasi ay gool ka dhalisay intii ciyaartu socotay, taas oo guushu ay ku raacday markii 13 gool oo taariikhda koob aduun ku cusub ay ka dhaliyeen.

Waxaana dad badan ay baraha bulshada ku cambaaraynayeen ciyaaryahanadan qaadi wayday heesta astaanta calanka ee dalkaasi, iyagoo soo dhigayey baraha bulshada ‘maxaad ugu ciyaaraysaa dal aad necebtahay’ ayuu mid ka mid ah dadkaasi uu soo dhigay bartiisa.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.