Trump Oo Waraaqo Sir Ku Qoran Tahay Warbaahinta La Hor-yimid

Washington (HCTV) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Warbaahinta la hor-yimid Waraaqo ay ku qoran yihiin qorshaha Maraykanku kula Macaamilayo Mexico oo Mujaahiriin badan uga soo gudbaan dhanka Maraykanka.

Madaxweyne Trump ayaa ka gows-adaygay inuu la wadaago Waraaqaha uu Gacanta ku hayey waxa rasmiga ah ee ku qoran waxaanu ku sheegay inay yihiin Sir.

Warbaahinta ayaa Sawirro ka qaadday Madaxweynaha oo lulaya Waraaqaha uu sheegay in waxyaabaha ku qoran yihiin sir.

Laakiin, Wasiirka Arrimaha dibedda ee Mexico Marcelo Ebrard ayaa Isniintii sheegay in Dawladdiisu muddo 45 Maalmood gudahood ah ku muujin doonto awood u leedahay inay xakamayso Muhaajiriinta ka soo gudba Xuduudka Maraykanka.

Laanta Afka English-ka ee BBC-da uu soo xiganayo HCTV ayaa sheegtay in Qorsheyaasha labada dhinac doonayaan ku wada shaqeeyaan inay tahay in Mexico laga dhigo mid Muhaajiriintu ku nabad-geli karaan, si loogu dhegaysto dalabkooda Magangelyo-doonimo, halkii wakhtiyadii hore loogu dhegaysan jiray gudaha Maraykanka, markay dhankiisa u gudbaan.

Muhaajiriinta uu Maraykanku khaatiga ka joogaa maaha kuwa reer Mexico keliya, balse waxa jira Muhaajiriin kale oo ka soo Tahriiba Dalalka Laatiin Ameerika, kuwaasi oo soo dhex mara Mexico, sidaasi darteed baa si Mexico kuwaa uga hor tagto waxay Lix kun oo Ciidammadeeda ah geysay Xuduudka ay la wadaagto Guatemala.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka