Maraakiib ka Holcaysa Gacanka Cumaan & Hubkii lagu Weerary oo la ogaaday.

laba markab oo ay kala leeyihiin Norway iyo japan oo ahaa nooca shidaalka qaada ayaa wali Si xooggan u gubanaya iyagoo taagan gacan badeedka u dhaw xeebaha wadanka Cumaan.

Qaabkee  loo Weeraray Maraakiibta ?

warbixinaha soo baxay ayaa sheegaya in maraakiibtani lagu dhuftay gantaalaha laga tuuro bihaha hoostooda, sidaasi awgeed aanay ahayn hub hawada soo maray.

Image result for torpedo

46 bad-maaxeyaal ah,ayaa laga daadgureeyay maraakiibta holcaysa oo badwaynta yaalla.

weerarka maraakiibtani ayaa sii huriyay xiisaddii colaadeed ee gobolka ka taagnayd ee u dhaxaysa Iran iyo Maraykanka.

maraakiibtani gubatay ayaa la sheegay inay sideen shixnad laga leeyahay dalka Japan.      

Ra’iisal wasaaraha dalka Japan shinso Abe, oo booqasho laba maalmood ah ku jooga dalka Iran, ayaa ka digay dagaal ka qarxa gobolka oo u dhexeeya Iran iyo Maraykanka.

balse dawladda Iran ayaa u sheegtay Ra’iisal wasaaraha Japan inay shaki wayn ka qabaan weerarka lagu qaaday maraakiibta iyo falal kale oo maraykanku ay gobolka ka wadaan.

HORN CABLE TV 

WAAXDA ONLINE-KA