Nin Laayay Dad Muslim ah oo Xabsi Daa’in Lagu Xukumay.

USA (HCTV) – Xabsi Madaxaa haku furto ah ayaa lagu xukumay Nin Sannadkii 2015-kii dilay Saddex Qof oo Muslimiin ahaa.

Craig Hicks ayaa Waqooyiga Carolina ku dilay Saddex Qof oo Magacyadoodu kala ahaayeen Deah Barakat oo 23 jir ahaa, Yusor Mohammad oo 21 jir ahayd iyo Yusur Walaasheedii ka waynayd oo Magaceedu ahaa Razan Mohammad Abu-Salha.

Ninkan oo Dambiga qirtay ayaa dhammaan Maxkamadihii la mariyey ku xukumeen Xabsi daa’in.

Qoysaska ay ka soo jeedaan Dhibbaneyaashu ayaa sheegay in Gacan ku-dhiigle Craig Hicks uu Ubadkooda u beegsaday Diintooda Islaamka awgeed.

Booliskuna wuxuu sheegay in Sababta dilka keentay ka dhalatay muran Ninkan iyo Saddexda Qof ee la dilay ku dhex maray Barxad banana oo gurigooda hortooda ah oo Baabuurta la dhigto.

Kiiskan ayaa Dacwaddiisu socotay Afar sannadood, Afar bilood iyo Laba Maalmood, sida uu sheegay Weriye ka mid ah Telefiishanka CNN oo intaaba daba socday.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka