Pakistan Oo U Dhawaanaysa Ruushka

Islamabad, (HCTV) – Dalka Pakistan ayaa doonaya inuu hub farabadan uu ka urursado dalka Ruushka islamarkaana xidhiidh uu dhex maro labada milatari ee labada dal sida uu sheegay Raysal Wasaare Imran Khan, kaas oo tilmaamay inuu ku faraxsan yahay in Pakistan ay u dhawaato dalka Ruushka oo ay la yeelato xidhiidh dhow isla markaana uu aduunku isbadalayo.

“Haa, waxa aanu isha ku haynaa hub aanu ka helno Ruushka, waxaan ogahay in milatarigayagu ay mar horeba ay xidhiidh la yeesheen Milatariga dalka Ruushka,” sidaasi waxa yidhi Raysal Wasaarada dalka Pakistan Imaraan Khan oo u waramayey Sputnik News oo HCTV ka soo xigtay.

Inkastoo Milatariga dalka Pakistan ay tobanaan sanadood xidhiidh la lahaayeen reer Galbeedka iyo Shiinaha, balse damaca Pakistan ay ku doonayso hanaanka hubka Ruushka ayaa ah mid mudo soo jirtay. Waxaana wararku dhawaanahanba ay hadal hayeen in Pakistan ay raadinayso noocyo ka mid ah diyaaradaha dagaalka iyo kuwa qumaatiga u kaca ee helicopters-ka loo yaqaano oo ay ku jiraan Sukhoi Su-35 iyo Mi-35M.

Ciidamada Pakistan ayaa sidoo kale ka qaybqaadanayey carbiska dagaalka ee dalka Ruushku uu waday, waxaana jiray tiro saraakiil ah oo lagu tababarayey Acadamiyada Milatariga ee dalka Ruushka.

Labadan dal ee Ruushka iyo Pakistan ayaa mudo waxa ku yaalay Xerooyin iska soo horjeeday xiliyadii lagu gudo jiray dagaalkii Soofiyeedka ee ka socday dalka Afghanistan (1979-1989), waxaanu waxtigu waxa uu hada uu u muuqdaa mid isbadalaya sida uu sheegayo sida uu sheegay Raysal Wasaaraha dalka Pakistan kaas oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inay wakhti xaadirkan u guuraan dalka Ruushka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.