Uganda Oo Laga Mamnuucay Goobaha Ay Bulshadu Isugu Timaado

Kasese, (HCTV) – Dawladda dalka Uganda ayaa bulshada ku dhaqan deegaanka galbeedka ee Kasese si rasmi ah uga mamnuucday goobaha bulshadu isugu yimaado, iyadoo ka cabsi qabta in cudurka Ebola uu ku sii fido dalkaasi oo uu ku dilay laba qof, markii Virus-ku uu kaga yimid dhinaca dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga Congo.

Afhayeenka Wasaarada Caafimaadka, Emmanuel Ainebyona, ayaa cadeeyey saacadihii hore ee maanta oo khamiis ah kadib markii si rasmi ah loogu dhawaaqay in haweenay 50 jir ah oo ka soo jeeda dalka Congo inay noqonayso qofkii labaad ee cudurka Ebola ugu geeriyooda gudaha dalka Uganda.

Waxaanay sidoo kale arintani imanaysaa kadib markii wiil shan jir ah oo ay Ayeeyo u tahay la xaqiijiyey inuu isna cudurka Ebola uu ugu geeriyooday gudaha Uganda. Waxaana hada cudurkaasi lagala tacaalayaa wiil yar oo isna saddex jir ah oo ay walaalo yihiin kaa dhintay.

Saddexdan qof ee cudurka Ebola uu asiibay ayaa qayb ka ah qoys ka soo socdaalay dalka Congo oo yimid Uganda oo ay ugu geeriyoodeen cudurkan Ebola.

Cudurkan ayaa hoosta ka xariiqay in la xaqiijiyey inuu ka soo gudbay xadka ay labada dal ee Uganda iyo Kenya ay wadaagaan.

Dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo ayaa laga diiwaangaliyey 2,000 kiis oo cudurka Ebola ah tan iyo intii uu dalkaasi ka dilaacay bishii August, iyadoo ay ku dhinteen tiro ka badan kun qof.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.