Wasaarada Biyaha Somaliland Oo Heshiis Isfaham (MoU) La Gashay Jaamacada Mekkele university

Addis Ababa, (HCTV) – Jaamacada Mekele University ayaa qaabishay wefti ka socda Somaliland, waxaanay kala saxeexdeen heshiis isfaham (MoU) oo ku saabsan dhinaca xoojinta awooda.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Biyaha Somaliland Mohamed Yusuf Ismail ayaa heshiiskaasi isfaham la saxeexday gudoomiyaha Jaamacada Mekele University Dr Atto Kindeya.

Heshiiskan ayaa sidoo kale diirada lagu saari doonaa awoodaynta horumarka, isdhaafsiga khibradaha iyo horumarinta qorshayaasha ay ka midka yihiin qaabaynta hirgalinta mashaariicda khayraadka biyaha iyo horumarinta qaybta siyaasada biyaha iyo arimo kale oo door ah.

“Farxad weyn ayay ii tahay inaan joogo madashan aanu ku kala saxeexanayno heshiiska Isfahan aniga iyo jaamacada Mekkele University, eek u saabsan dhinacyada horumarka.” Ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaarada Biyaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil.

Waxaanu intaasi ku daray Agaasimaha guud ee Wasaarada Biyaha Somaliland isaga oo hadalkiisa sii wata “Waxaan jecelahay inaan u mahadnaqo Madaxweynaha Jaamacada Mekkele University Dr Atto Kindeya iyo dhamaan kooxda oo nagu qaabilay si saaxiibtinimo leh anaga oo la saxeexanay heshiis isfaham.” Ayuu yidhi Agaasimaha Wasaarada Biyaha Somaliland oo ka hadlayey Faahfaahinta heshiiskaasi ay la galeen Jaamacada Mekkele university.

Sidoo kale Weftigan Somaliland ayaa booqday Barxada Momona iyo Masaajidka Al Nejashi Mosque oo ku taala dalka Ethiopia.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA