Maraykanka Oo Sheegay Inuu Muuqaal Ka Duubay Ciddii Weerartay Labada Markab Ee Shidaalka Siday

USA (HCTV) – Dawladda Maraykanka ayaa baahisay Muuqaal ay ku sheegayaan inuu muujinayo in Ciidammada Kacaanka Iran ay door ku lahaayeen Weerarka Shalay Khamiistii lala beegsaday Labadii Markab ee lagu weerarray Gacanta Cumaan.

Al-jazeera oo Muuqaalka baahisay ayaa sheegtay inuu muujinayo Ciidammada Iran oo labada Markab midkood ka soo qaadaya Miino kuwo Maraakiibta loo dhigo ah oo aan Qarxin.

“Saacaddu markay ahayd 4:10pm (00:10 GMT) ayaa Doon ay wataan Ciidammada Kacaanka Iiraan waxay u soo dhawaatay Markabka M/T Kokuka, waana la duubay iyagoo qaadaya Miino aan Qarxin..” ayuu yidhi, Afhayeen u hadlay Ciidammada Badda ee Maraykanka oo Al-jazeera soo xigatay, kaasi oo Magaciisu yahay Bill Urban.

Muuqaalka Maraykanku sheegay inuu ka duubay Ciidammada Iran ee Miinada qaaday ayaa la duubay 10 saacadood, Weerarka dib.

Labada Markab ee la weerarray ayaa midkood siday Shidaal ay lahayd Dawladda Japan, midka kalena waxa laga lahaa Dalka Norway.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka