“Shirka Burco Waa Shir-siyaasadeed..” Xukuumadda

Hargeysa (HCTV) – Xukuumadda Somaliland ayaa Shir siyaasadeed ku sheegtay Shir ay doonayaan in Beelaha Galbeedka iyo bariga Burco qabsadaan dhawaan.

Shirkan oo Qaban-qaabadiisu socoto ayaa Madax-dhaqameedka wada oo uu ka mid yahay Boqor Cismaan Aw Muxumed (Buur-Madow) sheegeen in lagag wada-hadlayo Horumarka Gobolka Togdheer, laakiin Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarka Jidadka Cabdillaahi Abokor Axmed oo Maanta la hadlay Telefiishanka HCTV ayaa sheegay in Beeluhu qabsan karaan Shirar, laakiin Shirkani yahay mid siyaasadeed.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan arkayey iyadoo la leeyahay Shirkaa waxa lagaga hadlayaa Horumar, wixii horumar ah Qaranka waxa ugu xil-saaran Dawladda, laakiin reer uguma xil-saaran, Anigu taas ayuun baan durayaa, laakiin Dadku way shiri karaan oo dhib ma jirto.”

Wasiirka oo la waydiiyey sababta ay uga sastay qaban-qaabada Shirkaasi ayaa ku jawaabay “Xukuumaddu kama sasana (Shirka) ee hal Qodob ayuunbaa meesha yaalla, horumarka Gobolka yaa u xil-saaran, ma Caaqil baa u xil-saaran, ma Suldaan baa u xil-saaran, ma Sheekh baa u ah.? Dawladda waxa loo doortay inay Bulshada horumarkeeda iyo Arrimihiisa ka shaqayso.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Dadku way Shiri karaan oo si Caadi ah waa loo Shiri karaa, laakiin Duruufta taagani waxa weeyaan.”

Wasiirku wuxuu sheegay inuu shaqsi ahaan Shirkaa u arko mid siyaasadeed “Anigu Shirkan u arki maayo inuu yahay Shir beeleed ee waa Shir Siyaasadeed, Beesha iyo siyaasaddana in la is huwiyo maaha.” ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka