Abwaankii Curiyey Heesta ‘Aan Maallo Hasheena Maandeeq’ Oo Geeriyooday

HomeSomali News

Abwaankii Curiyey Heesta ‘Aan Maallo Hasheena Maandeeq’ Oo Geeriyooday

Lix Qof oo maalin walba Miidaamo ugu dhinta dunida
15 Qoys Oo Kenyan Ah Oo Diiday Magdhawga Shirkada Boeing
Puntland: Ilmo Yar Oo U Geeriyooday Caano Ay Ku sumoobeen 7 Qof Oo Kale
Agaasimaha Shaqo Qaran ayaa Magaalada Ceerigaabo Ka Daah-furay Imtaxaanka Barnaamujka Shaqo Qaran
Dawladda Oo Sheegtay In Ciidammadii Caarre Raacay Soo Noqdeen

Hargeysa (HCTV) – Allaah ha u naxariistee waxa Maanta (15/06/2019) Magaalada Hargeysa ku Geeriyooday Abwaan Saxardiid Maxamuud Jebiye ka mid ah Suugaanyahannada Soomaalida.

Abwaanka oo Maalmihii u dambeeyay Xanuunsanayey ayaa Geeriyooday Subaxnimadii hore ee Saaka.

Abwaanka oo lahaa Heeso badan oo Waddani ah, sida Heesta Caanka ah ee ‘Aynu Meello Hasheena Maandeeq’ ayaa waxa Geeridiisa Shacabka ka Tacsiyadeeyay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

Dhambaalka Tacsida ah ee Madaxweynuhu u diray Ehelada Abwaanka ayaa u qornayd sidan:- 

TACSI MADAXWEYNE

 

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Abwaan Saxardiid Maxamuud Cilmi (Abwaan Jebiye) oo ku geeriyooday saaka oo ay taariikhdu ahayd 15/06/2019, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Abwaan qaranka ka baxay laguna xasuusan doono taariikhdii ma guurtida ahayd ee uu ku lahaa fanka iyo suugaanta, gaar ahaan doorkii uu ka qaatay xornimo doonkii iyo heesihii uu u hal-abuuray xornimada ee ay ka mid ahaayeen aynu maalno hasheena maandeeq, isagoo marxuumku fanka ku soo biiray 1950-meeyadii illaa Maanta oo uu geeriyoodayna uu ku hawlanaa dhiirigelinta iyo toosinta shacbigiisa, wuxuuna ka tirsanaa wasaaradda warfaafinta  iyo dhaqanka wacyigelinta Somaliland. Marxuumka oo dhashay 1938-kii kuna barbaaray Magaalada Hargeysa, waxna ku bartay, ayaa ku sifoobay waddanimo iyo dal jacayl.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

 

 

COMMENTS