Dad Rayid Ah Oo Lagu Dilay Gaalkacayo Iyo Xildhibaanada Aqalka Sare Oo Cambaareeyey

Dad Rayid Ah Oo Lagu Dilay Gaalkacayo Iyo Xildhibaanada Aqalka Sare Oo Cambaareeyey

Hogaamiyaha Khaatumo oo Hargeysa kusoo Laabtay.
Akhri: Waa Kee Filimka Uu Kim Jong Un Kasoo Qaatay Fikradda Ilaaladiisa?
Ugu yaraan 28 Qof oo ku Dhintay Doonyo ku degay Djibouti
Trump oo ka Hadlay Diyaaradii Maraykanka ee Iran ay Soo Ridday.
Jigjiga: Jeel Dadka Lagu Ciqaabi Jiray Oo Laga Dhigayo Madxaf

Gaalkacayo, (HCTV) – Qaar ka mid ah xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa shacabka ka tacsiyadeeyay dadkii lagu dilay Magaalada Gaalkacyo.

Xildhibaanada ayaa Maamullka Galmudug ka dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan ay cadaaladda u hor keenaan dadkii ka dambeeyay falkaasi dilka ah.

Dhinaca kale shacabka iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayay ugu baaqeen in ay is-dajiyaan oo aanay xaalada uga sii darin.

Dhinaca kale warar Faahfaahsan ayaa ka soo baxaya dilka 9 qof oo rayid oo ka soo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, kaddib markii maleeshiyo beelleed la sheegay inay ka cadhaysan yihiin dilkii sarkaal ka tirsanaa maamulka Galmudug si wadar ah u toogteen dadkaasi.

Waxaana wararka ay sheegayaan in dilka dadkan uu yimid kaddib markii Kooxo hubaysan ay Magaalada Gaalkacyo ku dileen xalay Sarkaal ka tirsan ciidamada Nabad suggida Galmudug oo lagu magacaabi jiray Cali Tahliil Cadceed, balse markii danbe maleeshiyaad aan haybtooda la garanayni ay toogasho ku dileen 9 qof. 

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.

COMMENTS

%d bloggers like this: