London: Darbi Jiif La Gubay Iyagoo Hurda

London, (HCTV) – Ciidamada bileyska ayaa usoo qabtay nin 22 jir, kadib markii dab la qabad siiyey laba nin oo darbi jiif ah oo horday.

Montel Nowhia-Job, ayaa la horkeenay Maxkamada Croydon Magistrates’ maalintii khamiistii kadib markii uu weerarku dhacay subaxnimadii hore ee maalinta isniintan.

Waxaana dhacdadan dabka lagu qabadsiiyey labadan nin ee darbi jiifka ah ay ka mid ahayd laba dhacdo oo ka dhacday wadada George iyo Surrey Street ee koonfurta magaalada London.

Waxaana dhaawacyo yaryar oo gubasho ah oo soo gaadhay labada nin la tacaalay Adeega Ambalaaska ee London.

Sidoo kale gabadh yar oo 17 jir ah oo iyadana loo qabtay fal ka dhacay maalintii Arbacadii wadada George oo ka tirsan Croydon ayaa lagu sii daayey damaanad.

Inkastoo bileysku ay ku hawlan yihiin xaqiijinta dhacdooyinkan ka kala dhacay labada jid ee mid ka mid ah lagau bartilmaameedsaday laba nin oo darbi jiif oo dab la qabadsiiyey, ayaa sidoo kale waxa ay Bileysku ka codsadeen dadweynaha in cidii warar dheeraad ah ka hesha dhacdooyinkaasi ay la soo xidhiidhaan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.