Madaxweyne Biixi Oo Ka Jawaabay Eedo Uu U Jeedin Jiray Cigaal Oo Hada Gondisiisa Yaala

Hargeysa, (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka jawaabay waxyaalo uu ku eedayn jiray Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal xiligii uu Muuse Biixi Mucaaridka ku ahaa dawladii Cigaal.

Arimahaasi uu Muuse Biixi ku eedayn jiray Cigaal oo wakhti xaadirkan u muuqda kuwo Madaxweyne Muuse Biixi gondihiisa yaala oo ay ka mid tahay in beeshiisu ay mansabyada ugu sareeya dalka ay ku fadhidyo, horena uu ugu eedan Jiray Madaxweyne Cigaal ayaa waxa uu kaga jawaabay su’aal uu waydiiyey HCTV oo u dhignayd sidan:

Su’aal: Maanta waxaad xusaysa 53 sano dugsigii aad fadhiisan jirtay ama wax ka baran jirtay, anaga waxaan doonayaa inaan ku xasuusiyo waxaan dhamayn 20 sano ka hor oo uu talada dalka hayey Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxa aad ku jirtay siyaasiyiin la odhan jiray waa mucaarid, wakhtigaa inta aad madaxweynaha la hadashay adiga oo ku tilmaamaya in 70 jir talinayo, Adiga oo leh Maxkamadii Reerkaaga ayaa haya, Taliyihii Ciidanka Qaranka reerkaaga ayaa haya, Xeer ilaalintii reerkaaga ayaa haya, bal maanta adiga ayaa kursigii ku fadhiya da’du waa da’diisii, maxaad ka xasuusataa maalintaa aad ku eedaynaysay arintaa iyo maanta oo ay dawladdaada ka jirto?

Jawaab: Waxaan ka xasuustaa, waa runtaa da’du waa da’dii, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaalna Wasiirkiisa Daakhiliga ayaan ahaa, barigaa malaha waa laguu sheekeeye adigu maad joogine, Waa runtaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal intaa waan ku canaantay, waxaan ugu canaantayna waxay ahayd qalad uu maalintaasi joogay baan ka qabanayey.

Khaladkaasi waxay ahayd markii salaadiintii badnayd ee reer Somaliland ay ku shireen guriga Suldaan Barre oo dad caqli xun intay u taliyeen ay ku yidhaahdeen ciidanku ha u tageene Taangiyada soo dhaqaaji, Taanigana ninkii u tagay ee qoladii watay ku idhi xaqaad u socotiin ayaan maanwaalanay. Maxamedna intaan ugu tagay gurigiisa ayaan intaa iyo in ka badana ku idhi, waayo waxaan ahaa ninkii ugu dhawaa ee isaga qaban lahaa, maanta adigan wariyaha ahi ma cidbaad iga qabanaysaa, maxaad ii sheegaysaa, maanta ma cid aan weerarayo oo salaadiin ah ama baayac-mushtar ah oo guri ku jira oo la igu qaldo oo aan weerararo ayaa jira.

Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ninkii qaban lahaa ee Wasiirul Daakhiligiisa ahaa ee saaxiibka la ahaa ee talo ugu dhawaa baan ahaa ee intuu qabto odhanaya ka daa, waanu iga aqbalay waanu ka daayey, Somalilandna way ku nabadgashay oo waata halkaa ku maraysa,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka jawaabayey su’aashaasi uu waydiiyey Telefishanka HCTV.

https://www.youtube.com/watch?v=UguOOz9-NGw

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.