Isreal Oo Hindiya Ka Caawinaysa Biyo Yarida Haysata

India (HCTV) – Xilli Qaybo ka mid ah Dalka Hindiya uu waajahayo Biyo yaraan iyo Xaalado Abaareed, Dawladda Isreal waxay sheegtay inay doonayso inay khibraddeeda dhinaca Maamulka Biyaha la wadaagto Hindiya.

Isreal, 60% dhulkeedu waa Saxare, 20% kalena waa dhul Qalalan, laakiin waxay ka samaysay horumar, iyadoo dhulkii hore Saxaraha u ahaa Dhul Beereed ka dhigtay, iyadoo ku maamulaysa ilo-biyoodyo.

Isreal, waxay ka mid tahay Dalalka Adduunka oo dhan ku hoggaaminaya Tiknoolajiyadda lagaga faa’idaysto Dhulka Saxaraha ah iyo in dhulkii Saxaraha ahaa laga dhigo meel lagu noolaan karo.

“Dawladda Israel waxay ku dedaalaysaa inay wada shaqeeyaan India, lana wadaagto khibradaheeda oo dhan iyo Tiknoolajiyadda iyo Maamulka Biyaha, taasina waxay qayb ka tahay Wada-shaqaynta sii kordhaysa ee Isreal iyo Hindiya..” ayuu yidhi, Safiirka Isreal ee Hindiya Ron Malka oo qoraal soo saaray.

Xidhiidhka Isreal iyo Hindiya ayaa aad ugu kor ugu soo kacay tan iyo intii uu Hindiya Raysal-wasaaraha ka ahaa Raysal-wasaaraha xilka haya Mr.Moddi.

Mr. Moddi ayaa sannadkii hore booqday Isreal, isagoo noqday Raysal-wasaare ka socda Hindiya oo muddo dheer ka dib booqdo Isreal.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka