Cumar Al-Bashir Oo Markii u Horaysay Soo Muuqday, Tan iyo Markii la Riday.

Khartuum, (HCTV) – Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Xasan Al-Bashir ayaa markii ugu horreysay soo muuqday tan iyo intii xilka dalkaasi laga tuuray bishii April ee sanadkan.

Mr Bashir ayaa laga soo saaray xabsi ku yaalla magaalo madaxda dalka Sudan ee Khartuum ka hor inta aan la geyn xafiiska dacwad oogaha ee dalkaasi, halkaas oo looga akhriyay dambiyada loo haysto.

75 jirkan oo ay ku hareeraysnaayeen ciidamo xoogan oo aad u tiro badan ayaa waxaa uu ku labisnaa khamiis iyo cumaamad dheer.

Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa talada dalkaasi ay ka tuureen ciidamadu xili ay dalkaasi hadheeyeen dibadbaxyaaal tiro badan oo dalkaasi ka socday bilihii u dambeeyey.

Dacwad oogeyaasha ayaa sheegay in lacago qalaad oo aad u badan gurigiisa laga helay, kadib markii uu talada dalkaasi laga tuuray taas oo soo afjartay ku dhawaad 30-kii sano oo uu xukumayey dalka Sudan.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheetay in markii Omar al-Bashir loo sii waday xafiiska dacwad oogaha uu qoslayay lana sheekaysanayay ciidamada ilaalada, laakinse daqiiqado kadib markii la soo celiyay waxaa wajigiisa ka muuqatay caro.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA