Haweenay Ka Soo Tallowday Xuduudka Uganda Oo Cabsi Ka Abuurtay Kenya

Hargeysa (HCTV) – Dawladda Kenya ayaa sheegtay inay heegan gelisay Dhakhaatiirta Caafimaadka ee deegaanka Galbeedka ku yaalla Kericho

Heeganka la geliyey Dhakhaatiirta Caafimaadka ayaa yimid, ka dib markii deegaanka Kericho oo galbeedka dalka Kenya ah Qof haween ah looga shakiyey inay qabto Xummadda Cudurka Ebola, ka dib baadhitaan uu ku sameeyay Cisbitaalka deegaanka Kericho.

Madaxda Ismaamulka Gabadha lagu arkay ayaa sheegay in Haweenayda laga shakiyey ka soo safartay deegaanka Malaba oo ka tirsan Ismaamulka  Busia oo ku yaalla Xuduudka Kenya la wadaagto Uganda.

Maaddaama oo la baadhayey Dadka ka soo gudba Xuduudka Kenya, ayaa Haweenaydan baadhitaanka lagu sameeyay looga shakiyey inay qabto Caabuqa Ebola, laakiin illaa hadda lama xaqiijin in Xanuunkaasi hayo gabadha oo aan Magaceeda aanay Warbaahinta Kenya Xusin.

Madaxa Cisbitaalka Siloam, Margaret Okirio  oo ka hadashay ayaa sheegtay in Haweenayda ay baadheen ay ku arkeen Madax Xanuun, Xumad badan oo Jidhka ka haysa, sida uu baahiyey Wargeyska Daily Nation oo HCTV soo xigtay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka