Kenya oo Shaacisay Dalal ay ku Eedaysay Inay Hurinayaan Muranka Badda Soomaaliya.

Foreign Affairs Cabinet Secretary Monica Juma displays a map indicating that the oil blocks under contention with Somalia are in Kenya's territory, during a press conference at Intercontinental hotel in Nairobi on February 21, 2019. PHOTO | EVANS HABIL | NATION MEDIA GROUP

NAIROBI (HCTV)Dawladda kenya ayaa bilawday dedaal cusub oo ay ku doonayso in wadaxaajood ay kula yeelato dawladda soomaaliya, si loo soo af-jaro Muranka badda ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya kadib markii ay burbureen wadahadaladii labada dhinac.

“wada-xaajood waa sida ugu fiican ee lagu xallin karo Muran u dhexeeya laba Dal,taasina waa dariiqa aanu hadda qaadanay…” ayuu yidi afhayeenka dawladda Col (Rtd) Cyrus Oguna, oo la hadlay wargayska Daily Nation, ee kasoo baxa magaalada Niarobi.

KENYA OO SHISHEEYE KA CABANAYSA.

Dawladda kenya ayaa sheegtay inay dacwad ka gudbisay Dawladaha Norway iyo ingiriiska kuwaasi oo ay ku eedaysay inay hurinayaan khilaafka labada dal ee ku saabsan muranka badda.

Prof Peter Kagwanja, oo ah khabiir ku xeel dheer Amniga,dawladnimada iyo Istaraatijiyadda sidoo kalena ah madaxa Mac-hadka siyaasadda Afrika oo falanqeeyay Muranka u dhexeeya soomaaliya iya iyo Kenya ayaa yidhi.

” Halka ay Kenya waxay gudbisay hal xidhmo oo ah warqadaha ay ka jawaabayso dawadda ICJ, Halka ay soomaaliya Gudbisay 10 Xidhmo oo mid kastaaba ka kooban tahay 250 bog. Waxay u muuqataa in Reer Galbeedka iyo Gacmo shisheeye ahi ay Soomaaliya ka caawiyeen dhinaca sharciga iyo dhaqaalaha ku baxay gudbinta dacwaddaasi”

KENYA oo Eedaysay MW farmaajo iyo RW khayrre.

Saraakiil sare oo ka Tirsan dawladda kenya oo xog siiyay Wargayska Daily Nation ayaa ku eedeeyay Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Raysal wasaare Xasan Cali khayrre inay gacan saar la leeyihiin dalal Reer Galbeed ah taasi oo Muranka sii xoojisay.

“Madaxwayne Farmaajo wuxuu haystaa dhalashada Maraykanka, RW khayrena waxaa madax ka ahaan jiray shirkad Saliidda dhoofisa (Soma Oil and Gas) waxaana uu haystaa dhalashada Norway” ayay yidhaahdeen sarakiil la hadlay wargayska Nition.

khubaro badan oo Kenyan ah, ayaa dawladda Uhuru Kenyatta kula talinaya inay ka baxdo dacwadda Maxkamadda ICJ isla markaana ay daba ka riixdo in murankan lagu dhammeeyo heer Gobol.

 

HORN CABLE TV

WAAXDA ONLINE-KA