Magaca Trump oo loo bixiyay Tuulo 10 Qof Degen yihiin.

Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu gives a speech before the newly-unveiled sign for the new settlement of "Ramat Trump", or "Trump Heights" in English, named after the incumbent US President during an official ceremony in the Israeli-annexed Golan Heights on June 16, 2019

Israaiil (HCTV) Xukuumadda Israaiil ayaa Magaca ka badashay Tuulo ku taala Buuralayda Goolaan ee laga qabsaday dalka Suuriya.

Magaceedii hore waxaa uu ahaa Beruchim,waa Tuulo 30 Sano jirtay oo ku taalla Buuraha Goolan ee ay maamusho Israail, wakhti xaadirkan waxaa ku nool ilaa toban qof oo waayeel ah badankoodu waxay kasoo jeedaan Dalalkii ka tirsanaa Midawga Soofiyadka ee Burburay.

12 Mile ayay u jirtaa Xuduudka Suuriya, waana Meel ay ku wareegsan yihiin Caws iyo Miinooyin badan.

fadhi ay yeesheen Goolaha wasiirada ee Israaiil ayaa lagu ogolaaday in tuuladaasi loo bixiyo Trump Heights.
Benjamin Netanyahu, Ra’iisal wasaaraha Israail ayaa sheegay inay tuuladan ugu magac dareen Hogaamiyaha Caalamka oo uu ula jeedo Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump.

waxaana uu intaasi ku daray in u jeedadu ay tahay inay ugu mahadnaqaan Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump inuu aqoonsaday in israaiil ay dhulkaasi leedahay. sidoo kale dadka Reer Israaiil ayuu sheegay inay ku dhiiri galinayso inay halkaasi u guuraan oo ay degaan.

Waraysi uu bixiyay Mr Netanyahu waxaa uu yidhi ” Trump waa Saaxiib wayn oo Israaiil leedahay, Buuraha Goolan maaha Meel aan qaybsami karin oo ka mid ah Dalkayaga”

Israaiil ayaa qabsatay Buuraha Goolaha 1967-dii, kadibna dhulkeeda ayay ku darsatay tallaabadaaasi oo dalal badani u aqoosadeen sharci darro.

HORN CABLE TV

WAAXDA ONLINE-KA

Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu speaks during a ceremony to unveil a sign for a new community named after U.S. President Donald Trump, in the Israeli-occupied Golan Heights June 16, 2019