” Maraykanku Nama Gumaysan Karo” Hogaamiyaha Mucaaradka Turkiga.

Istanbul, (HCTV) – Hogaamiyaha xisbiga Mucaaridka ee dalka Turkiga ayaa sheegay in dalkiisa Turkigu uu ku iibsanayao hanaanka difaaca gantaalada ee dalka Ruushka uu kaga iibsanayo Go’aan uu leeyahay, sida uu u sheegay wakaalada Wararka ee Anadolu.

Madaxa xisbiga Nationalist Movement Party, Mr Devlet Bahceli oo ka hadlayey munaasibad lagu qabtay Istanbul ayaa sheegay in arinta heshiiska uu dhacay.

Mr Bahceli ayaa intaasi ku daray in Turkigu uu yahay dal awood ku leh gobolka, waxaana awoodaasi ay samaynaysaa in ay dalkaasi ka dhigto mid leh go’aamo madaxbanaan iyo inuu ku dhaqaaqo isagoon wax gorgortan ah ka galin.

Sidoo kale hogaamiyaha mucaaridka dalka Turkigu waxa uu cambaarayn dusha kaga tuuray dawlada Maraykanka, waxaanu sidoo kale uu dawlada Turkiga uu kula taliyey inay iibsato hanaanka difaaca gantaalada ee dalka Maraykanka ee loo yaqaano Patriot-ka halkii ay ka iibsan lahayd kuwa Ruushka ee S-400.

Hase yeeshee tan iyo intii dawlada Turkigu ay la gashay dalka Ruushka heshiiska ay kaga iibsanayso hanaanka difaaca gantaalada ee S-400 ayaa waxa isa soo taraya xiisada u dhaxaysa Turkiga iyo Maraykanka oo iyagu xulafo ahaa.

Waxaana dhawaan dalka Maraykanku uu ku dhawaaqay inuu joojinayo tababar uu duuliyaal Turki ah uu ku siinayey saldhig milatari oo ku yaala dalka Maraykanka oo lagu tababarayey diyaaradaha dagaalka ee F-35.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.