Maxamed Mursi oo Geeriyooday isagoo Maxkamad Saaran.

QAAHIRA (HCTV)  Telefishanka dawaladda Masar Warramay inuu  Geeriyooday Maaxmed Mursi, Madaxwaynihii hore ee Masar  isagoo maanta hor taagan Maxkamad ku taalla magaalada Qaahira.

isagoo Maanta la maxkamad la horkeenay ayaa la sheegay inuu “SUUXAY” kadibna isla goobta ayuu ku qudh baxay.

Mursi ayaa Noqday Madaxwaynihii 7-aad ee soo Maray dalkaasi, Militeriga ayaa xukunka ka tuuray 2013, kadib markii ay dalkaasi ka dhaceen mudaaharaadyo lagu diidan yahay xukunkiisa.

Wuxuu ahaa Madaxwaynihii u horeeyay ee Cod shacab ku yimaadda taariikhda masar waxaana uu kasoo baxay ururka akhwaanul muslimiin oo hadda laga mamnucay wadankaasi.

 

HORN CABLE TV.

WAAXDA ONLINE-KA.