30 Qof Oo Ku Dhintay Weerarro Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Nigeria

Nigeria (HCTV) – Ugu yaraan 30 Qof ayaa lagu dilay Saddex Weerar oo Ismiidaamin ah oo ka dhacay Waqooyi-bari Dalka Nigeria, Axaddii la soo dhaafay.

Kooxaha Gurmadka deg-degga ah ayaa soo Weriyey in dhimashada ay sababeen saddexda Weerar ee Ismiidaaminta ah ay yihiin dhimashadii ugu badnayd ee ay sannadkan ay sababaan Weerarrada noocaas ahi.

Saddex Ismiidaamiye oo ay ku rakiban yihiin Walxaha Qarxa ayaa yimid meel Ciyaaraha lagu daawado oo ku taalla deegaanka Konduga oo qiyaastii 25KM u jirta Xarunta Ismaamulka Borno ee Maiduguri, ka dibna isku qarxiyey, xilli ay Dad badan meel hool ah Ciyaar ah ku daawanayeen.

“Dhimashada ka dhalatay Weerarku way ka sii badan kartaa 30. Waayo? waxaanu ognahay inay 40 Qof dhaawacmeen..” Sidaa waxa yidhi, Usman Kachalla oo ah Madaxa hawl-gallada deg-degga ah ee Ismaamulka Borno.

Warku wuxuu intaa ku daray, in marka koowaad uu Qarxay mid ka mid ah Saddexda qof ee Isa soo miidaamiyey, ka dibna labadii kale ee la socday oo ku sugayey meel aan ka fogayn ay qarxiyeen Qalabkoodii Qarxayey, Qaraxyadaas dambe oo ah kuwa kordhiyey tirada dhimashada.

Ma Jirto, cid markiiba sheegatay Masuuliyadda Qaraxyadaasi, laakiin Warbaahintu waxay sheegtay in loo malaynayo inay ka dambeeyaan Kooxda Boko Xaaraam ee dagaallada ka wadda Waqooyi-bari dalka Nigeria.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka