Huawei Oo Hoos U Dhigtay Dhoofinta Shixnadaha Telefoonada

BEIJING, CHINA - JANUARY 29: A pedestrian talks on the phone while walking past a Huawei Technologies Co. store on January 29, 2019 in Beijing, China. The U.S. Justice Department filed a host of criminal charges against Chinese telecoms giant Huawei and its chief financial officer, Meng Wanzhou, including bank fraud, violating sanctions on Iran, and stealing robotic technology. Huawei denied committing any of the violations and rejected criminal claims against Meng, the daughter of Huawei founder Ren Zhengfei, who was arrested in Canada in December last year. (Photo by Kevin Frayer/Getty Images)

Beijing, (HCTV) – Shirkadda Technologiyada ee Huawei ayaa hoos u dhigtay boqolkiiba 40 ilaa 60 telefoonada casriga ah ee ay u dhoofiso caalamka, sida uu ku waramayo warbaahinta Bloomberg, oo telefishanka HCTV ka soo xigtay.

Waxaana shirkadan Technologyiada ee dalka Shiinaha ay baadi goob ugu jirtaa noocyo kale oo ay soo saarto maadaama oo telefoonadii hore ay dad badan dhibaato kala kulmeen.

Waxaana noocyadan cusub hada laga bilaabayaa in lagu iibiyo qaybo ka mid ah dalalka Yurub oo ay ku jiraan Britain iyo Faransiisku marka la gaadho 21-ka bishan June.

Waxaana madaxa suuqgaynta shirkadu uuu tilmaamay in sanadkan ay meesha ka saarayaan ku dhawaad 40 million ilaa 60 million oo telefoonada casriga ah.

Waxaana arintani ay imanaysaa kadib markii meelo badan oo caalamka ah uu ka soo wajahay hoos u dhac weyni oo kala badh ay yihiin dalka shiinaha, sida uu ku waramayo Bloomberg.

Sidoo kale shirkaddan ka midka ah shirkadaha ugu balaadhan dhinaca isgaadhsiinta aduunka ee Huawei ayaa dhawaan dawladda Maraykanku ay ku dartay liiska madow ee ganacsiga, waxaanay dawlada Maraykanku ay sheegtay inay shirkadaasi ka qabto walaacyo dhinaca amaanka qaranka ah.

Hase yeeshee Aasaasaha shirkada Huawei ahna agaasimaha guud ee shirkadaasi Ren Zhengfei ayaa isna sheegay in cunaqabatayntaasi la saaray aanay wax weyn ka badali doonin kor u kaca shirkadda.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.