Liyuu Boolis Oo Laba Qof Ku Dilay Qorraxay.

Qoraxay, (HCTV) – Wararka ka imanaya deegaanka Qoraxay oo ka tirsan Dawladd Deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa sheegaya in Ciidamada Liyuu Boolisku ay laba qof ku dileen tuulada Baraajisaale oo ka tirsan gobolka Qoraxay ee Dawlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya.

Arrintan ayaa timid iyadoo ciidamada Liyuu Booliisku ay ka soo laabteen hawlgal la sheegay in ay ku baajiyeen laba qabiil oo qarka u saarnaa in ay dagaalamaan.

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia, Mustafe Maxamed Cumar oo socod ku maraya meel aan sidaa uga fogayn goobta “shacabka lagu laayay” ayaa saaray guddi baadhitaan ku sameeya, kana salgaadha sida ay wax u dhaceen.

Waxaa hadda ku sugan magaalada Qabridahar masuuliyiinta ugu sarreeya laamaha ammaanka oo baaritaan ku haya arrintaas, ayuu intaas ku sii daray.

“Ciidanka Liyuu Booliis ayaa ku baxay labo qabiil oo ay dhex taalay muran dhul, intii ay dajinayeen xaaladdaaasna waxaa ka dhaawacmay oo xabbad lagu dhuftay mid ka mid ah askarta oo ay rasaas iswaydaarsadeen qof shacab ah,” ayuu yidhi wasiirka ganacsiga ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdiraxmaan Axmed Xasan oo la hadlay Idaacada BBC-da.

“Ciidammadii oo wada askarigii dhaawaca ahaa iyo qofkii looga shakisnaa in uu dhaawaca gaystay ayaa soo maray tuulo aan ahayn meeshii dhibku ka jiray, rasaas ayay fureen labo ruux ayaana ku dhimatay rasaastaas mid kalana wuu ku dhaacmay, ayuu intaas ku sii daray.

Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyeeyay dilka foosha xun ee lagula kacay Daahir Sheekh Maxamuud iyo Cabdi Macallin Sahal.

“illaahay ha u naxariisto, samir iyo iimaanna Allaha ka siiyo qaraabada, sidoo kale illaahay ha caafiyo askariga iyo wiilka kale ee dhaawaca ah”, ayuu intaas ku sii daray.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.