Suxufi Coldoon Oo Maxkamada Hargeysa La Horkeenay

Hargeysa, (HCTV) – Suxifi Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ah suxufi caan ku ah dhinaca samafalka dadka tabaalaysan oo mudooyinkii u dambeeyey ku xidhnaa Magaalada Hargeysa ayaa maanta la hor keenay Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex si loo dhagaysto dacwada loo haysto.

Dhagaysiga dacwada Suxufi Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa socon doonta maalmaha soo socda maadaama oo ay bilaabantay dawacdiisu sida ay sheegeen qareenada u doodaya suxufiga.

Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa loo haystaa saddex eedood oo laba ka mid ahi ay ka yimaadeen Dugsiga Abaarso, halka eedaha sadexaadna lagu soo eedeeyey inuu baahiyey hadalo ka dhan ah qaranka Somaliland.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.