3 Nin Oo Lagu Helay Weerarkii Jaamacada Gaarisa Ee 2015-kii

Nairobi, (HCTV) – Saddex nin ayaa lagu helay dami Argagixiso kadib markii loo maxkamadeeyey weerarkii lagu qaaday Jaamacada Gaarisa ee dalka Kenya sanadkii 2015-kii oo ay ku dhinteen arday tiradoodu ku dhawdahay 150 qof.

Maxkamada magaalada Nairobi ayaa maalintii shalay dambi ku heshay Rashid Mberesero, Hassan Edin Hassan iyo Muhamed Abdi Abikar inay geysteen fal argagixiso iyo shirqool argagixiso, isl amarkaana ay xidhiidh la leeyihiin koox Argagixiso ah.

Waxaana ay maxkamadu sheegtay in xukunka saddexda nin ay ku dhawaaqi doonto 3-da bisha July, waxaanay sii daysay ninkii afraad oo magaciisa a yidhaahdo Sahar Diriye, kaas oo wax dambi ah lagu waayey.

Hase yeeshee Maxkamadu sharaxaad kamay bixin sababta kiiskani uu muddada intaa leeg ee sanadada ah uu u qaatay iyo indadkaasi la xukumoba.

Bishii April ee 2015-kii ayay ahayd markii dablay hubaysan ay weerar ku qaaday Jaamacada Garissa College University oo u dhaw xadka Kenya iyo Somalia ay wadaagaan, taas oo markii ugu horaysay weerar lagu ekeeyey ilaaladii amaanka jaamacada kadibna Ardaydii si aan kala sooc lahayn loo laayey.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.