Boris Iyo Hunt Oo Isugu Soo Hadhay Tartanka Raysal Wasaare-nimada Ingiriiska

London, (HCTV) – Tartanka loogu jiro cidii noqon lahayd Raysal Wasaaraha dalka Ingiriiska ayaa cirka isku shareeray kadib markii bishan June ay is-casishay Raysal Wasaare Theresa May.

Xoghayaha Arimaha Dibada Jeremy Hunt iyo Boris Johnson ayaa wakhti xaadirkan dagaalkii ugu adkaa uu ku dhexmarayaa sidii mid waliba uu u noqon lahaa Raysal Wasaaraha dalka Ingiriiska ee badali doona Haweenayda Is-casishay ee Ms May.

Labadan Siyaasi ee isugu soo hadhay tartanka Raysal Wasaaraha ayaa ah laba nin oo siyaasada dalkaasi miisaan culus ku leh isla markaana khibrado mudo tobanaan sanadood ah leh.

Boris Johnson ayaa isagu wajihi doona cod qaadista marka kaliya ah si loogu wareejiyo furayaasha Xafuusja Number 10 Downing Street oo noqon doona hoygiisa uu uga arimiyo dalka UK oo dhan, waa hadii uu ka guulaysto ninka loolanka adag kula jira ee Mr Hunt.

Hase yeeshee wareegii ugu dambeeyey ee labadan nin ay isugu soo hadheen ayaa Mr Hunt uu helay 77 cod, halka Johnson ay taageerada siiyeen 160 xubnood oo ka mid ah xisbiga Conservative-ka.

Si kastaba ha ahaatee waxa dadka Ingiriisku ay su’aalo badan iska waydiinayaan labadan nin kii doonaaba ha soo baxee sida uu dalka Ingiriiska uga kala guran doonaan Midawga Yurub oo caqabadi ka taagan tahay iyo talaabooyinka uu ku wajihi doono, maadaama oo Raysal Wasaarihii hore ee dalka UK Theresa May ay galaafatay isku dayo badan oo ay ku doonaysay in Midawga Yurub lagaga baxo si qorshaysan oo heshiis ku dheehan yahay, ka dib markii ay ku guuldaraysatayna ay ku dhawaaqday inay meesha iskaga huleelayso.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.