IRAN Oo Soo Ridday Diyaarad Maraykanku Leeyahay

Iran (HCTV) – Dawladda Iran ayaa sheegtay inay soo ridday Diyaarad kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo ku soo xad-gudubtay Hawadeeda.

Telefiishanka Dawladda Iran ayaa baahiyey in Ciidammada ilaalada Kacaanta Iran ay dhulka soo dhigeen Diyaarad Drone ah oo nooca wax basaas ah, ka dib markii ay soo gashay Xuduudka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN.

Laakiin, Masuul Maraykan ah oo Magaciisa la qariyey ayaa Wakaaladaha Wararka Adduunka u sheegay in diyaaradda Drone-ka ay ku jirtay hawada Caalamiga, ka hor intii aan la soo ridin.

“Diyaarad nooca wax kormeera ah oo Maraykanku sameeyo ayaa la soo riday.” ayuu ku warramay Telefiishanka Afka Ingiriisiga ku warrama Press Tv.

Website ay Ciidammada IRAN leeyihiina wuxuu sheegay “Waalla toogtay oo way soo dhacday, markii ay soo gashay hawada Iran, gaar ahaan meel u dhow Degmada Kouhmobarak oo koonfurta Dalka ah..” ayaa lagu sheegay Qoraalka uu Website-ku baahiyey, sida ay qortay Al-jazeera oo HCTV soo xigtay.

Arrintan ayaa kor u sii qaadi karta Xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo IRAN.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka