Madaxweynaha Shiinaha Oo Booqasho Ku Tagay Waqooyiga Kuuriya (Akhri)

N/K (HCTV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha, Xi Jinping ayaa Subaxnimadii khamiistii gaadhay Dalka Waqooyiga Kuuriya.

Madaxweynaha Shiinaha ayaa booqashadiisu tahay mid Rasmiya oo uu muddo laba Maalmood ah ku joogi doono Dalka Waqooyiga Kuuriya, isagoo danaynaya inuu la kulmo Dhiggiisa dalkaasi Kim Jong, ka dib markii ay dib u dhaceen Wada-hadallo Maraykanka iyo North Korea ka yeelan lahaayeen Hubka nuclear-ka

Sawir uu baahiyey Telefiishanka Shiinaha ee CCTV ayaa muujiyey in si weyn Magaalada Pyongyang loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha Shiinaha, soo dhaweyntaasi oo ay ka mid ahaayeen Unug ka mid ah Ciidammada oo Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay.

Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua ayaa soo werisay in Madaxweynaha ay safarkiisa ku weheliso Xaaskiisa Peng Liyuan iyo xubno ka mid ah madaxda Xisbigiisa, waana Madaxweynihii ugu horreeyay ee Shiinays ah ee mudd 14 sanadood ah booqdo Waqooyiga Kuuriya.

kulanka labada Madaxweyne ee Shiinaha iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa imanaya xilli uu labadoodaba khilaaf xoog lihi ka dhexeeyo Maraykanka, ka dib markii dagaal dhinaca Ganacsiga ahi ka dhex qarxay Shiinaha iyo Maraykanka, halka Waqooyiga Kuuriya ay saaran tahay Cunaqabatayn ay Maraykanka iyo Qaramada Midoobay ku soo rogeen, markii u tijaabiyey Gantaalaha Xambaaraha Hubka wax gumaada ee nuclear-ka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka