Haween Carruur U Dhalay Daacish Oo La Keenayo Soomaaliya

EU (HCTV) – Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka shaqaynayso sidii ay dalka dib ugu soo celin lahayd Haween Soomaaliyeed oo ku dhibataysan Dalka Ciraaq, gaar ahaan Gobolka Kurtidu deggan yihiin.

Dumarkan Soomaaliyeed oo ku noolaa Dalalka Qurbaha ayaa waxa markii hore kaxaystay oo Ciraaq la tagay Rag ka mid ahaa kooxdii laga awood batay Daacish, waxayna halkaa Dumarku ku dhaleen Carruur, laakiin xilligan ayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya doonaysaa inay dalka dib ugu soo celiso, ka dib markii ay diideen Dawladihii ay Dalalkooda ka tageen markii hore.

Sidaana waxa sheegay Safiirka Dawladda Soomaaliya u Qaabilsan Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi, waxaanu Safiirka oo arrimahaa ka hadlayaa uu yidhi “Dowladda Soomaaliya waxa ay ka shaqeynaysaa gabdho Soomaaliyeed oo Carruur leh oo ku dhibaateysan dalka Ciraaq qaybta Kurdida, gabdhahaas oo markii hore maskaxdooda la qalday oo argagixisada ay qaldeen carruur badana meesha ku dhaleen, waddamadii ay ka tageena ay diiddan yihiin.”

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi wuxuu intaa ku daray “Waxa ay dowladda Soomaaliya go’aansatay inay dalka dib ugu soo celiso..” ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka