IRAN Oo Iska Deysay Diyaarad Ay Soo Ridi Karaysey

Tehran (HCTV) – Ciidammada ilaalada Kacaanta Iiraan, qaybtooda Difaaca Cirka ayaa sheegay in diyaarad Rakaab sidday oo Maraykanku leeyahay ay soo gashay hawadooda.

Ciidammadu waxay sheegeen in Diyaaradda Rakaabka oo Nooceedu yahay P-8 Poseidon ay la socdeen Rakaab tiradoodu dhan tahay 35 Xubnood.

Madaxa Ciidammada Difaaca cirka ee IRAN, Amir Ali Hajizadeh ayaa sheegay in si la mid ah sidii diyaraddii Drone-ka ahayd u soo gashay hawadooda ay Diyaaradda Rakaabka siddayna u soo gashay hawada IRAN, balse iyaga oo soo ridi karaya ay iska daayeen

“Diyaaraddani xitaa waxay soo gashay Hawadayada, waanu toogan karaynay si aanu soo ridno, laakiin maanaan soo ridin..” ayuu yidhi, Amir Ali Hajizadeh sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Magaceedu yahay Tasnim, kaasi oo HCTV soo xigtay.

Amir Ali Hajizadeh waxa kale oo uu ka hadlay diyaaraddii ay Khamiistii Shalay soo rideen ee Maraykanku lahaa, waxaanu sheegay inay Diyaaraddaasi oo nooceedu ahaa RQ-4A Global Hawk ay soo rideen 10 daqiiqo ka dib, Digniin ay siiyeen.

Warbaahinta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN ayaa Jimcaha baahisay qaybo ka mid ah diyaaraddii Maraykanka ee ay Shalay soo rideen illaalada Kacaanta Iran.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka