Trump Oo Ka Noqday Amar Lagu Weerarri Lahaa IRAN Oo Uu Bixiyey

Washington (HCTV) – Madaxweynaha Maraykanka Doland Trump ayaa bixiyey amar ah in diyaarado lagu weerarro Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN, ka dib markii IRAN soo ridday diyaarad Drone ah oo nooca wax basaas ah oo Maraykanku lahaa.

Laakiin, Warbaahinta Maraykanka ayaa soo werisay in intaan la daah-furin Weerarka IRAN lagu qaadayey uu Amarkaasi ka noqday, sidaasi darteedna la joojiyey Weerarkii diyaaradaha Maraykanku ku qaadi lahaayeen IRAN.

Sida Masuul Aqalka ka tirsani u xaqiijiyey New York Times, Madaxweyne Trump ayaa bixiyey Amarka ah in la weerarro Goobo gaar ah oo ka mid ah IRAN, wejiga koowaad ee weerarkana lala beegsado Gantaallo, laakiin galabnimadii Khamiistii ayaa hoggaamiyaha Maraykanku uu qorshihii ka noqday, kuna baaqay in la joojiyo Weerarka.

New York Times oo HCTV soo xigtay waxay sheegtay in diyaaradaha dagaalku hawada ku jireen, maraakiibtuna Goobahoodii taagnaayeen, markii uu soo baxay amarka Trump ee ah in laga noqday weerarka, sida uu Wargeyska New York Times ay u sheegeen Madax ka mid ah Dawladda Maraykanku.

Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanku wuu diiday inuu arrintan ka hadlo.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka