Bileyska Kenya Oo Ka Hadlay Xero Ay Leeyihiin Oo La Soo Weeraray

Gaarisa, (HCTV) – Saddex nin oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab lagu dilay kadib markii ay weerar ku soo qaadeen Xero Bileyska dalka Kenya ay ku lahaayeen degmada Gaarissa oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Afhayeenka bileyska Charles Owino ayaa xaqiijiyey weerarkaasi ay maleeshiyadu  ku soo qaaday xarunta ay ku leeyihiin Gaarisa, waxaanu tillmaamay in ay iska caabiyeen ciidamada gaarka ah ee Bileyska dalka Kenya.

Afhayeenku waxa uu intaasi ku daray in intii uu socday weerarkaasi in aanay bilaysku wax war ah ka soo saarin dhacdadaasi. Balse xada ay xaqiijinayaan in rasaastii la isdhaafsaday ay ku dhinteen saddex ka mid ah dablaydii weerarka soo qaaday.

“Dhamaan ciidamadayadu way badqabaan, inkastoo cadwgayagii aanu ka dilnay saddex ka mid ah. Ciidamadayadu waxa ay ku sugan yihiin dhulkaasi si ay u baacsadaan maleeshiyaadka,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay Bileyska dalka Kenya.

Todobaadkii la soo dhaafay ayaya ahayd markii 8 askari oo ka tirsan bileyska dalka Kenya lagu dilay weerar qarax Al-shabaab ay ku soo qaaday, kaas oo ka dhacay degmada waqooyi bari ee Wajeer ee dalka Kenya.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.